Qarax Xooggn oo Ka Dhacay Laascaanood iyo Khasaaraha ka Dhashay
Laascaanood-(HCTV)-Magaalada Laascaanood, ayaa waxa xalay ka dhacay qarax xoogan oo la aaminsanyahay in lala beegsanayay masuulliyiinta dawladda, kaasoo aan lagu guulaysan in lagu waxyeeleeyo ciddii loogu tallogalay.
qaraxan oo ka dhacay badhtamaha Laascaanood, ayaa waxa ku dhintay hal ruux oo la aaminsanyahay inuu ahaa qofkii damacsanaa inuu weerarkaas fuliyo, sida uu sheegay Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliland Cabilaahi Ismaaciil Cali (Cirro) oo u waramayay laanta afsoomaaliga ee BBC-da isagoo ku sugan gudaha Laascaanood, waxaana wasiirka oo arrintaa wax laga weydiiyey uu yidhi. "Annaga oo haysana waayo-aragnimadii qaraxyadii hore waxaanu goosanay inaan loo dhawaan halkii qaraxu ka dhacay, maadaam aay goor habeenimmo ahayd, ciidanbaanu ku gedaanay goobtii, waagu markuu beryaya waxaanu halkii ka helnay nin mayd ah oo ah ninkii dhigayay walxahaa qarxa, waxa la yidhaahdaa 'miinaystuhu mar keliya ayuu khaldamaa' khaladkii uu sammeeyey ayaa isaga galaaftay, halkii uu is lahaa dadka galaafo. nasiib wanaag waa la helay maydkii, qaarka hore oo dhammi way googo'een, haddii ay tahay wejigii lagu garan lahaa, haseahaatee macluumaad kale ayaanu ka helnay, waxa ka mid ah telefoon dhinacna rimuud ka ah iyo telefoon kale oo isau jajabay, oo aanu kaadhkiisii helnay iyo Mobile-kiisii oo NOKIA ah.
calaa kuli xaal arrintaasi baadhis ayay ku jirtaa, anaga oo ku rajoweyn inaanu raad-raacaa aanu helay uu na tusi doono dariiq fiican, oo aanu ku helno ciddii ka danbaysay.
Ilaahay wuu naga aqbalay ducadii shalay ay culimmo-aw-diinka, ganacsatada iyo masuulliyiinta oo meel isugu yimi ay Ilaahay ka baryeen inuu cidda waxan ka danbaysa kashifo, taasina xallay todobadii iyo badhkii ayay kashifantay oo isagiina halkii ku geeriyooday, wixii kale e uu islahaa dilna ay halkaa ku badbaadeen."
Wasiirka oo la weydiiyey wakhtiga ay soo bandhigayaan baadhitaannada cidda arrintan lagu uhunsanyahay waxa uu yidhi. "Waxaanu ballanqaadaynaa inaanu dhakhso u sheegno wixii aanu qabannay iyo halka raadkiisu maray, laakiin ka hor dhici mayno baadhista."
Wasiirka oo la weydiiyey inta ay leegtahay wadashaqaynta ka dhaxaysa maamulka iyo shacabka gobolka waxa uu yidhi "Shacabka waanu la hadalnay, waxanu ula hadalnay koox koox, cullimmo-aw-diinta iyo ganacsatada waanu la hadalnay, cuqaasha waanu la hadalnay, dadka arrimaha bulshadaanu la hadalnay, wax dadka nooga dhiman oo aan ahayn meel fagaare ahi ma jiro, dadkana waanu xog-waraysanay oo waanu islaab-xaadhanay, si fiicanbaanay noola shaqaynayaan annaguna aanu raalli uga nahay aadna waanuh ugu faraxsanahay sida ay nabadgelyada ugu heelanyihiin."