|
Kullan Dhexmaray Madaxweynaha Somaliland iyo Wefti ka Socda Dalka Swizerland
Hargeysa (HCTV)- Madaxweyne Daahir Rayaale Kaahin, ayaa xarunta madaxtooyada casho ugu sameeyey wefti uu hoggaaminayo ergayga dawladda Switzerland u qaabilsan dalka Suudan iyo waddamada Geeska Africa Mr. Andrea Semadeni oo booqasho ku soo gaadhay Somaliland.. Sida lagu sheegay warsaxaafadeed uu soo saaray Afhayeenka Madaxtooyada Mr. Siciid Caddaani Mooge waxa Madaxweyne Rayaale iyo weftiga ka socda dalka Switzerland kulankaas kaga wadahadleen arrimo ay ka mid yihiin geeddi-socodka hannaanka hirgelinta doorashooyinka Somaliland, nabadgelyada mandaqadda Geeska Afrika iyo mashaariicaha horumarineed ee hay’adaha Switzerland ka fuliyaan dalka. Warsaxaafadeedka Afhayeenka Madaxweynaha oo dhammaystiranna waxa uu u dhignaa sidan: “Madaxweynaha JSL. Mudane Daahir Rayaale Kaahin waxa uu xalay [habeen hore] casho-sharaf ugu sameeyay qasriga madaxtooyada wefti ka socda dalka Switzerland. Waftigaas oo booqasho gaaban ku soo gaadhay Jamhuuriyadda Somaliland waxa hoggaaminaya Danjiraha dawladda Switzerland ee dalka Suudan iyo waddamada Geeska Africa Mr. Andrea Semadeni, waxaanay isdhaafsadeen Madaxweynaha arrimo dhicayo badan taabanaya, kuwaasoo ay ka mid yihiin; sii xoojinta xidhiidhka labada dal, mashaariicda horumarinta iyo halkay marayaan arrimaha xaaladaha siyaasadeed ee Somaliland. Madaxweynuhu waxa uu si qoto-dheer waftiga warbixinno uga siiyay marxaladihii kala duwanaa ee geeddi-socodka dimuqraadiyadda ee Somaliland soo martay tan iyo intii qaranimadeeda ay kala soo noqotay waddankii la isku odhan jiray Somali Republic. Madaxweynuhu mar uu soo qaaday arrimaha xagga nabadgelyada waxa uu yidhi; “Somaliland waa waddanka kali ah ee mandaqadda Geeska Africa ee gacanta ku dhigay argagixiso iyo budhcad-badeed, maantana jeelasha ku xidhan yihiin, kadib markii lagu helay dambiyadii foosha xumaa ee ay dalka ka galeen. Waxaas oo dhan Somaliland keligeed ayey qabsatay iyada oo aan caalamka intiisa kale ka helin wax taageero ah.” Madaxweynuhu waxa uu carrabka ku dhuftay in hadda Somaliland u baahan tahay taageerada caalamiga ah, gaar ahaan dhinaca nabadgelyada, iyadoo aynu ka warqabno wakhtigan aynu ku jirno dagaallada iyo nabadgelyo-xumida ka taagan mandaqadda. Madaxweynuhu isagoo ka hadlayey arrimaha ictiraafka waxa uu sheegay in Somaliland fulisay wax allaale wixii looga baahnaa dawlad qaran ah oo la aqoonsanyahay, haseyeeshee caalamku u hortaagan yahay arrimo ku tacaluqa dhinaca siyaasadda. Gebagebadii waxa madaxweynuhu waftiga u sheegay inuu ku rajo weyn yahay in doorasho xor iyo xalaal ah dalka ka qabsoomto sidii kuwii hore ee dalka ka dhacay, waxaannu sheegay in Komishanku iyagu u madaxbannaan yihiin inay ku dhawaaqaan wakhtiga doorashadu qabsoomi doonto. Weftiga ka socda dawladda Switzerland intii ay joogeen dalka waxa kale oo kulamo kala duwan ay la yeesheen axsaabta qaranka, Komishanka Doorashooyinka iyo hay’adda kale oo dalka ka hawlgala. Weftigu waxa kaloo ay soo kormeereen mashaariicda horumarinta ee hay’adda Swiss-croup ka wadaan Somaliland iyo heerka ay marayaan. Martiqaadka Madaxweynuhu u sameeyey weftiga waxa kaloo goob-joog ka ahaa wasiirro ay ka mid yihiin Wasiirka Maaliyadda Mudane Xuseen Cali Ducaale (Cawil), Wasiiru-dawlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda Mudane Cabdiraxmaan Sagal iyo Wasiir-ku-xigeenka Arrimaha Dibadda Mudane Ahmed Aaden Ismaaciil (Keyse),” ayuu afhayeenku soo gunaanaday warsaxaafadeedkiisa. |