Dahabshiil
Telesom
|
|
Golaha Guurtida Somaliland oo si Rasmiya u Bilaabay Shaqadoda tan iyo Intii Murranku soo kala Dhexgalay
Hargeysa-(HCTV)-Mudanayaasha Golaha Guurtida Somaliland, ayaa maanta markii ugu horreysa muddo bil ka badan si rasmi ah u bilaabay shaqadiisii caadiga ahayd, iyadoo aanu wax khilaaf iyo muran ahi toona ka dhex jirin.
Fadhigii maanta ee golahaas oo uu guddoominayey Md. Saleebaan Maxamuud Aadan oo uu wehelinayey Guddoomiye-ku-xiggeenkiisa labaad, balse uu maqnaa Sheekh Axmed Sh. Nuux, waxa goluhu ku gudogalay anjadihii kalfadhiga u socda ee 39-aad oo intiisii badnayd ku dhammaaday muran iyo golaha oo xidhnaa, waxaana mudanayaasha loo qaybiyey xeerka Xakamaynta Hubka Fudud oo Wasaaradda Daakhiligu soo diyaarisay, isla markaana hore Golaha Wakiilladu u soo ansixiyeen. Guddoomiyaha Golaha Guurtidu waxa uu xildhibaanada ku wargeliyey inay si mug leh u soo akhristaan xeerkaasi oo ah mid muhiimad gaar ah leh, kadibna la isugu soo noqdo fadhiga berri si loo bilaabo doodiisa.
Geesta kale, waxa mar kale dib-u-dhac ku yimi dhammaystirka heshiiskii goluhu ka gaadhay khilaafkoodii, kaas oo lagu sheegay casuumad uu Khamiistii mudanayaasha u sameeyey Guddoomiye-ku-xigeenka kowaad in la soo gebogabeeyey, balse dhammaystirkiisa oo laga sugayey Shirguddoonka laga horsheegi doono golaha, waxaana Md. Saleebaan oo maanta qaar ka mid ah xildhibaanadu ka dalbadeen arrintaasi uu sheegay inay dib u dhigayaan maadaama shirguddoonku kala maqan yahay, isagoo xusay in Guddoomiye-ku-xigeenkii kowaad uu xannuun ku maqan yahay. |
|