Dahabshiil
Telesom
|
|
Qaylo-dhaan Abaareed oo ka soo Yeedhay Dawladda Somaliland
Shir jaraa'id oo shalay ay si wadajir ah u qabteen Wasaaradda Qorshaynta Qaranka iyo hay'adda ka Hortaga Masiibooyinka Dabiiciga ah, ayaa lagaga dhawaaqay abbaaraha dalka ka taagan oo lagu sheegay inay tahay mid khatar ah oo keeni karta masiibo culus oo dalku ka soo waaqsanwaayo, sidaa daraadeedna waxay beesha
caalamka, hay'adaha caalamiga ah, ururrada samalka, ganacsatada wadaniga ah iyo cid kasta oo gacan ka gaysan karta khatarta abbaarta ugu baaqeen inay gargaar degdeg ah bulshada reer miyiga la soo gaadhaan.
Abbaartan ayaa waxay sheegeen inay saamaynayso dad tiradoodu gaadhayso 1,400,000 qof, kuwaas oo ku kala nool dhammaan gobollada dalka oo ay si isku mid ah
abbaartu uga jirto, taas oo ay ugu daran tahay biyo la'aan iyo xaaluf baahsan Wasiirka Wasaarada Qorshaynta Md. Cali Ibraahim Maxame oo shirkaas jaraa'id ka jeediyey qoraal qaylo-dhaan ah oo ku qoran luqada Afka Ingiriisiga, ayaa sheegay in qiimayn la sameeyey ay muujinayso in abbaar halis ahi dalka ka taagan tahay, taas oo ay ugu daran tahay biyo la'aan iyo baad la'aan.
"Sababaha ugu waaweyn ee keenay abaartu waxa weeye roobkii dalka ka da'i jiray oo sannadkan aad u yaraa, biyo yaraan keentay in meelo badani haraad halis ugu jiraan. Waxaanay abbaartan ka siman lixda Gobol ee dalka ha sii kala darnaadeene," ayuu yidhi Md. Cali Sanyare, waxaanu intaa ku daray,
“Waxay xukuumada
Somaliland ay baaq u dirtay caalamka oo dhan sida dawladaha, hay'adaha caalamiga ah ee qaramada midoobay, ururrada aan dawliga ahayn, ganacsatada iyo dadka
hantiileyaasha ah waxaanan ka dalbanay inay dadka gurmad deg deg ah la soo gaadhaan."
Wasiirka Qorshaynta Qaranku waxa uu sheegay inay shir wada yeesheen hay'adaha caalamiga ah, isla markaana ay kala hadleen sidii loo dedejin lahaa gurmadka
gargaar dadka la gaadhsiiyo.
"Haayadaha khamiistii shir baanu yeelanay Salaasadan soo socotana waanu isku noqonaynaa waxaanu kala hadlaynaa waxa weeye sidii ay u dedejin lahaayeen gurmadkooda," ayuu yidhi Wasiirku.
Guddoomiyaha hay'adda aafooyinka dabiiciga ah ee Somaliland Md. Maxamed Muuse Cawaale, waxaannu ku tilmaamay abbaarta dalka ka jirta inay tahay mid dalka oo dhami ka siman yihiin, Waxaanu ku baaqay inay u soo gurmaadaan shacbiga Somaliland oo ay u fidiyaan taageero bani'aadanimo. |
|