|
Hargeysa (HCTV)Munaasabad Balaadhan oo lagu Xusayay Sanad guuradii 37aad ee ka soo Wareegtay Geeridii Abwaankii Waynaa Alle ha unaxariistee C./laahi Suldaan Timacadde ayaa Xalay Lagu Qabtay Hotel Emperial ee Magaalada hargeisa, Munaasabadaasi oo ay Soo Qabanqaabisay Shabakada Wararka ee Timacade News Network (TNN) ayaa waxaa ka soo Qayb galay, Seddexda Xisbi Qaran,Wasiirro, Abwaano,Qorayaal, Aqoonyahano, Salaadiin, Dhalinyaro iyo Marti Sharaf kale oo aad u tiro badan. Ugu horayn Waxa halkaasi Hadal kooban ka jeediyay Qoraaga Caanka ah ee Boobe Yuusuf Ducaale waxa uu si Qoto dheer uga hadlay Taariikhda iyo Suugaantii Abwaan C/laahi Suldaan Timacadde waxaa uu Sheegay In C/laahi Suldaan sanadkii 1973-gii ku Geeriyooda Magaalada Kalabayd oo dhinaca galbeed ka xigtay Magaalada Gabiley “waxaan Xasuustaa C/laahi Suldaan wuxuu yaalay wakhtigaasi Tuulada Galoolay, Xaaskiisa Ardo Qalinle Alle ha unaxariistee ayaa noo timi Dhawr iyo Tobadan cisho ka hor, Markaasay tidhi ‘odaygii Xaalkiisu wuu xunyahay, maalmahaas halkaasaan joogay, C/laahi Suldaan kansar baa kaga dhacay Cunaha oo Dalooliyay” ayuu yidhi Boobe yuusuf Ducaale. Boobe waxaa uu ku dheeraaday Shaqsiyada C/laahi Suldaan Timacadde iyo Suugaantiisa waxaanu Halkaasi ka tiriyay Maansadii labad ee C/laahi Suldaan Timacadde uu tiriyo. Nimco Muxumed Ibraahin oo ah Madaxa Barnaamijyada Arimaha Bulshada ee Timacade News Network (TNN) oo Madashaasi hadal kooban ka jeedisay ayaa faahfaahin ka Bixisay Taariikhda Shabada Wararka ee Timacadde oo soo Qaban qaabisay Xuska Sanad guurada 37aad ee Alle ha u naxariistee C/laahi Suldaan Timacadde waxaanay ka warantay heerarkii kala duwanaa ee Shabakaddu soo martay, Iyada oo Xustay in Dhawaan dib u habayn lagu sameeyay oo Loogu Magacdaray Abwaanka Wayn ee C/laahi Suldaan Timacadde.Nimco waxay kale oo ay xustay in aanay Noqon doonin markii ugu horaysay ee shabakadu Qabato Xuska Abwaan C/laahi Suldaan balse ay joogtayn doonaan, taasi oo ku tusaysa kaalinta uu ku lahaa Suugaanta Somalida. Axmed Aw Geedi Amiin (Dheeraad) oo isaguna Halkaasi ka hadlay , waxaa uu ka waramay Suugaantii C/laahi Suldaan Timacadde iyo kaalintii uu Ka galay Bulsho waynta Somalida.. Axmed Aw Geedi Amiin (Dheeraad) oo ka waramay Suugaantii C/laahi Suldaan Timacadde iyo kaalintii uu Ka galay Bulsho waynta Somalida{C/laahi Suldaan Timacadde ayaa waxa uu yidhi “ Waa Abwaanka Kaliya Ee Maanta Idfaal Lagu Yahay.,Qofka kalliya ee Soomaali Heshiisku Tahay Waa Abwaan Timacadde,Walaa Siyaasibaan Heshiis Lagu Ahayn, Walaa Halgamaabaana Maanta Heshiis Lagu Ahayn,Walaa Sheekhbaana Heshiis Lagu Ahayn.,Lakiin C/laahi Suldaan Timacadde Qofkasta Oo Soomaaliyeed Ixtiraamgaar ah ayuu u hayaa” ayuu yidhi Axmed Aw geedi Waxaa isaguna Madashaasi ka hadlay Abwaanka Caanka ah ee Maxamed Ibraahin Warsame (Hadraawi)- waxaana uu halkaasi ka jeediyay Maanso la yidhaando Hal-Abuur oo uu kaga hadlayay Qiimaha uu hal abuurku leeyahay. “Waxaa ina kulmiyay Cabdillahi Suldaan Timacadde, Xaaladan oo kale marka laga hadlayo Qofkii dhintay la xusayo, qofna qoysbaa xusa, Ninna Qaranbaa Xusta, Malaha Caawa Cabdillahi Suldaan Timacadde waa loo dhan yahay” ayuu yidhi, Abwaan Maxamed Ibraahim Warsame(Hadraawi) Maryan Cabdillahi Suldaan Timacadde oo iyaduna Hadal kooban Munaasibaasi ka jeedisay ayaa muujisay sida ay ugu faraxsan tahay Xuska loo sammeeyay Aabaheed, Maryan waxay ka hadashay Taariikh nololeedkii aabeheed intii ay ka soo gaadhay iyada oo Boobe yuusuf ducaale ku amaanta kaalina uu ka qaatay soo ururinta Taariikhda aabeheed. Maryan C/laahi Suldaan waxay ku Canaanatay Xukuumada maanta jirta in Looga Baahanyahay Dadka qiimaha Wayn ku dhex lahaa Qaranka iyo Bulshada Reer somaliland oo uu ka mid ahaa Abeheed in Dadkii uu ka tagay wax loo qabto, iyada oo tilmaantay in 41 qof ay ka joogaan tafiir C/laahi Suldaan Timacadde waxaanay si gaar ah usoo qaadatay Afar wiil oo ay hooyo u tahay oo ku sugnaa Madasha in Dawladu ushaqaalaysiiso. Guddoomiaha Xisbiga Mucaaridka ah ee Kulmiye oo isaguna Xuskaasi ka jeediyay ayaa waxa uu sheegay in Marxuum Timacadde uu ka soo qayb qaatay halgankii Dalka kaalin muhim ahna uu kaga jiray. Gudoomiyuhu waxaa uu balan qaaday in dadka dalka usoo halgamay iyo inta Qiimaha leh ee ka baxday ay Ubadkooda wax uqaban doonaan hadii ay ku guulaystaan Doorashada soo socota oo ay hooska ka xariiqi doonaan. Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Xisbiga Ucid ahna ku simaha Xisbiga Aaden Maxamed Mire (Waqaf) iyo Wasiirka Wasaarada Ganacsiga Somaliland Abiib Xasan Fil Fil, waxaanay ka warameen kaalintii wax ku oolka ahayd ee uu Ummada kaga jiray iyaga oo sheegay in uu ahaa Haylyay Somaliyeed oo qiimo Ummada Qiimo wayn ku dhex lahaa. Waxa ay xuseen in loo baahan yahay in Dadkii uu ka tagay la wanaajiyo oo wax loo qabto. Waxa madasha Shahaadooyin lagu guddoon siiyay Dadkii ugu wax qabadka badnaa Sannadkii ina dhaafay ee 2009. kuwaasi oo isku jiray Abwaano, Salaadiin, Qorayaal, Ururo Bulsho iyo Shaqsiyaad kale oo Muhim ah. Salaadiinta la guddoon siiyay Shaadooyinka:
- Suldaan Xasan Suldaan Cabdillahi Suldaan Cabdiraxmaan
- Suldaan Maxamed Suldaan C/qaadir Suldaan Cabdillahi iyo
- Suldaan Ismaaciil Suldaan Cabdiraxmaan Muxumed
Abwaanada la guddoon siiyay Shaadooyinka: - Abwaan Axmed Aw Geedi Amiin
- Abwaan Xasan Daahir (Weedh-same) iyo
- Abwaanad Deeqa Xasan Axmed
Qorayaasha guddoon siiyay Shaadooyinka: - Cabdi Yuusuf Ducaale(Boobe)
- xasan Cabdi Madar iyo
- C/raxmaan Cabdillahi Faarax(Barwaaqo)
Seddex Shaqsi oo ku guulaystay Qiimayn uu sameeyay website-ku sanadkii 2009: - Guddoomiyaha Golaha Guurtida
Mudane Saleebaan Maxamuud Aaden - Maamulaha Cisbitaalka Edna ee Hargeisa
Drs. Edna Aden Ismaaciil iyo - Mulkiilaha Telefishanka Madaxa banana ee Horn Cable Tv
Farxaan Xaaji Cali Axmed Madaxa Horn Cable TV Ururada Bulshada ee Shahaadooyinka la guddoon siiyay: - Ururka Mutadawaciinta Havayoco
- Ururka Gargaarka Masaakiinta Xaafada Xawaadle
- Dallada Dhallinyarada Somaliland ee Sonyo iyo
- Naadiga Akhristayaasha Hargeysa
|