|
Hargeysa-(HCTV)-Waxaa todobaadkii hore lagu soo gebogebeeyey Garoonka kubadda cagta ee Hargeysa Stadium koobka jaamacaddaha oo muddo ka socday halkaas, kaasoo aakhirkii ayy isugu soo hadheen labada jaamacadood ee Admas iyo Hargeysa. 
Ciyaartii gebogebada koobkaas, ayaa labada kooxoodba waxay la yimaadeen ciyaar aad u xiise gelisay ka sooo qaybgalayaashii, taasoo u badnayd weerar iyo weerar celis aakhirkii ku dhammaatay inay guushu ku raacday kooxda ku ciyaaraysay magaca Jaamacadda Admas oo 1-0 kaga badisay jaamacadda Hargeysa. Wasiirka Wasaaradda Ciyaarahja Somaliland Maxamed Siciid, ayaa koobkaa guushu ku raacday Admas guddoonsiiyey, iyadoo ay goobjoog ka ahaayeen maamulka iyo ardayda jaamacadduba.

Wasiirka oo hadal kooban ka jeediyey munaasibadaas, ayaa mahadnaq ballaadhan u soo jeediyey dhammaan kooxihii kala duwanaa ee ka qaybgalay koobkaas, kuwaasoo uu kuu sifeeyey inay la yimaadeen akhlaaq wanaag iyo iyadoo aan wax rabshad ahi dhicin mudadii koobku socday. Isagoo si gaarna ugu mahadceliyey shirkadda NATION LINK oo maalgelisay. Wasiirka ciyaaruhu waxa kale oo uu u mahadceliyey kooxda kubadda cagta eek u ciyaaraysay magaca jaamacadda Hargeysa oo uga mahadceliyey sida akhlaaq wanaaga leh ee ay u aqballeen in alaga guulaysto. 
Wasiirku waxa uu ballanqaaday inay wasaaraddiisu dhiirigelinaysoo islamarkaana gacxan ka geysan doontoo sii wadada tartamada noocan oo kale ah.  Cabdiqaadir Suliamaan Osmaan Horn Cable Tv staff |