Dahabshiil
Telesom
|
|
Jaalliyadda reer Somaliland ee Jonkopin oo sii Diiran u Soo dhaweeyey Guddoomiyaha wakiillada iyo Xildhibaan Ibraahin Buubaa
Sweden-(HCTV)-Jaalliyadda reer Somaliland ee ku nool magaalada Jonkopin ee dalka Sweden, ayaa si ballaadhan u soo dhaweeyey Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) iyo xildhibaan Ibraahin Mahdi Buubaa,oo casuummad martiqaada dhawaan ka helay jaalliyadda reer Somaliland ee dalka Sweden. Kullan ballaadhan oo xogwaran ah, ayay jaalliyadu ka dhegeysteen xildhibaan Ibraahin Mahdi Buubaa isagoo si mug leh uga waramay oo uu aad ugu dheeraday xalada dalku marayo isagoo sheegay inkastoo uu ka tirsan yahay xisbi mucaarada, balse maanta oo uu joogo wadan kale uu yahay nin matalaya dhammaan xildhibaanada Somaliland ee sadexda xisbi oo uu yahay nin qaran. Dadweynihii goobta isugu yimii ayaa xildhibaanka su’aalo badan ka weydiiyey xaallada dhaqan-dhaqaale, siyaasadeed iyo ta bulsheed ee dalka, isagoo dhammaan ka jawaabay su’aalahaas. Waxa kulanka lagu soo gaba gabeeyay duco sigaara loogu duceeyay ABADIR HASAN QAWLE oo ahaa odayga magalada Jönköpin oo sanadkii hore ku geeriyooday isla magaladaa oo kalintiisii aad lootabayo waxaana ilaahay loogabaryay dambi dhaaf iyo jano |
|