Wefti ka Socday China oo Dalka ku sugnaa, ayaa maanta ka Dhoofay Madaarka Berbera
Berbera, March 07, 2010-(HCTV)- Wasiirka Duulista Hawda Somaliland Cali Maxamed Warancadde, ayaa maanta ku sagootiyey Madaarka Berbera Wefti ka socday dalka shiinaha oo dalka soo gaadhay, kuwaasoo ambababxay kadib markay dhamaysteen Socdaalkoodii ay ku yimaadeen Somaliland.
Wasiir Warancadde, ayaa faahfaahin ka bixiyey ujeedada uu safarka weftigani sallaysnaa, waxaanu yidhi.“Waxaan halkan ka dhofinay wefti baladhan oo china ah oo ay imaanshihiisa ka danbaysay safaradii hore ee anu ku tagnay aniga iyo maayiraka hargeisa , waxananu filayna hadii ilahay yidha isu soo dhawaansho laba dal ah iyo wax wada qabsi balaadhan ayaanu ku heeshinay dalkana way wada mareen waxanay tijaabo ka qadayeen dhinaca badaha iyo macaamilkooda ama kalamuumaysiga iyo dekeda xaga baayac mushtariga macdanta dhamaanba inay nagala qayb qaatan”
Wasiirku waxa uu intaa raaciyey, oo uu yidhi. "Run ahaanti china waxay ka mid tahay ama ay ugu horaysaa Wadamada iminka Afrika aad u jecel inay wax la qabsaadan , wadamo badan oo afrikaan ahina way la qabsadeen anaguna iminka ayaanu la qabsanaynaa oo aad ayay u danaynayaan in Somaliland noqoto waqtigan wadanka ugu horeya ee Afrikaan ah ee u qorshaysan aynu nahay taas oo ay u arkaan in ay Somaliland tahay Albaabkii ay ka geli lahaayeen geeska afrika arintaana aad ayaan anigu usoo dhaweynayaa”.
Warbixintaas kooban kadib, waxa ay saxaafaddu wasiirka weydiiyeen dhawr su'aallood kuwaasoo u dhacay sidan.
S: wasiir sida aynu ka war qabno Dowladaha Mareykanka iyo Ingriiskuba waxa ay kazoo horjeedaan xidhiidh dhex mara Afrika iyo Shiinaha markaa dhowr jeerna waftiyo kasocda Shiinaha oo kan manta dhoofayaa ugu danbeeyey ayaa ayaa Somaliland yimi arintaasi Ma dhici kartaa in arimahaasi saamayn dublamaasiyadeed ku keenaan geedi socodka xidhiidhka u dhexeeya xukuumada Somaliland iyo mareykanka?
J: Horta inagu waxaynu nahay Wadan madax banan aan cida aynu wax la qabsanaynana xor baynu u nahay gaal iyo Islaamba cidii wax qabanaysa waynu soo dhaweynaynaa cid aynu ogolaansho uga qaadanaynaana majirto.
S: Wasiir, weftigani ma waxa u aha mid dawlada china ka socda mise bayac mushtar caadi ah :
J: Horta sida aynu ognahay china waa dal isku wada xidhan dad iyo dawlad ba waftigana waxa u aha mid dawlada china ka socday waxa u u socdayna waa inaga kor ku soo xusnay