Dahabshiil
Telesom
|
|
Iran oo Gargaar ugu Yaboohday Dadka ku Tabaalaysan Soomaaliya
HCTV.08.March.2010-(W/wararka)-Dowladda Wadanka Iran, ayaa markii ugu horaysay ku dhawaaqday inay kaalmo soo gaadhsiin doonto dadka Soomaaliyeed ee ku barakacay dagaalladda ka soconaaya inta badan Koonfurta Soomaaliya ee u dhexeeya kooxaha ku hirdamaya.
Wasiirka arimaha dibadda ee Iran Manouchehr Mottaki oo maalmahaan socdaal ku joogay wadamo ku yaalla Geeska Afrika, ayaa Waxa uu sheegay in Dowladda Iraan ay aad uga walaacsantahay xaaladda Bin’aadanimo ee ka jirta dalka Soomaaliya, gaar ahaana dagaallada ka soconaya oo ay ku naf waayaan kumannaan qof.
”Xukuumadda Iran waxaay ka xuntahay xaaladdaha Bin’aadanimo ee ka jira dalka Soomaaliya,waxaanu isku taxaluujinayna in dadka saamayntu kasoo gaadhay dagaalladda aanu gaadhsiino Gargaar Bin’aadanimo”,ayuu yidhi ar uu warbaahinta la hadlay Wasiirka Arrimaha Debedu.
Mokatti, ayaa ka dalbaday kooxaha ku dagaallamaya Soomaaliya inay tixgeliyaan dadka shacabka ah ee ay dhibaatada ugu weyni ka soo gaadhayso dagaallaaas.
waa markii ugu horaysay ee dawladda Iran ay sheegto inay gargaar u fidinaysao dadka Soomaaliyeed ee tabaalaysan.
|
|