|
Golaha Wakiillada Somaliland oo Ansixiyey Qodobadda Ajandaha Kal-fadhigooda 11-aad
Hargeysa.09.March.2010-(HCTV)-Golaha Wakiilada ayaa maanta si aqlabiyad ah isugu raacay qodobadda ajandaha kalf-fadhiga 11-aad. Guddoomiyaha Wakiillada Cabdiraxmaan Cirro oo fadhiga guddoominayay, ayaa mudanayaasha ayaa u soo qadimmay inay si duuduub ah ku ansixiyaan ajandaha iyo in dood laga yeesho qodobada uu ka koobanyahay, iyadoo ay mudanayaashu isku raaceen in si duduub ah lagu anxiyo. Qodobadda Ajan-daha Kal-fadhiga 11-aad ayaa kala ah sidan. Qodobada Ajandaha Kal fadhiga 11-aad ee Golaha Wakiiladu ay kaga doodi doonaan mudada uu socdo Kal fadhigani waxay kala yihiin:- Xeerka Sharciga Biyaha. Xeerka Baananka Islaamiga ah. Xeerka Baananka iyo Maaliyada. Xeerka Miisaaniyada qaranka. Xeerka Caasimada ee Gaarka ah. Xeerka Kala Xadaynta Mushaharooyinka Goleyaasha Qaranka iyo MIisaaniyada qaranka. Xeerka Ururada aan Dawliga ahayn. Xeerka Sharciyaynta iyo Abuurista Haayada Miino Saarka Miino saarka Qaranka. Waxa kale oo Goluhu Ansixin doonaa Xeerar kale oo ka soo noqday Golaha Guurtida iyo waxyaabaha kale ee soo kordha mudada kalfadhigan lagu gudo jiro. Maxamed Siciid Horncabltv Hargeysa
This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it
|