Dahabshiil
Telesom
|
|
Dablay Hubaysan oo Muqdisho ku Dilay Sarkaal ka Tirsanaa Ururka Xisbul-Islaam
Muqisho.09.feb.2010-(Berberanews)-Dablay hubaysan, ayaa maanta Suuqa Bakaaraha ku dilay Sarkaal ka tirsanaa Ururka Xisbul Islaam ee ka tirsan kooxaha dagaalka kula jira dawladda Sheekh Shariif, kaasoo lagu magacaabi jiray Barre Cali Barre. Barre Cali Barre, ayaa dhowr jeer oo hore waxa uu ka badbaaday isku day dil, wuxuuna marar badan sheegay inay Al-Shabaab doonayeen inay khaarijiyaan, hase yeeshee ma jirto weli cid xaqiijisay cidda ka dambaysay dilka sarkaalkasi. ma jiro wax war ah oo ka soo baxay Saraakiisha Ururka Xisbul Islaam oo ku saabsan dilka Barre Cali, iyadoo wararka ka imanaya Muqdiso ay intaa raacyeen in laga cabsi qabo isku dhac dhexmara Al-shabaab iyo Xisbul-islaam |
|