Dahabshiil
Telesom
|
|
Wasiirka Hawlaha Guud oo Socdaal Qiimeynta Khasarihii Roobabk Geysteen ku Tegay Buurta Sheekh
Berbera, March 9, 2010 -(HCTV)- Wasiirka hawlaha guud iyo guryaynta JSL Siciid Sulub Maxamed oo Socdaal howled ku yimi Gobolka saaxil ayaa maanta kormeer ku soo maray wadada u dhaxaysa Berbera iyo degmada sheekh , si uu u soo kormeero wadada wixii roobki dhawaan ka da.ay u gaystay khaasatan buurta sheikh iyadu khasaraha ugu badani ka soo gadhay oo dhuumihi ay biyuhu hoos mari jireen ay awdmeen oo biyuhu wadada dusheeda ay marayeen oo ay kaga tageen dhagxaan waweyn iyo ciid wadadii qayb xidhay , Lakiin markii wasiirka hawlaha guud uu diray shaqaale tiro badan oo wata iskaragooyin iyo qalabkoodi ayaa waxa isla saaka la baneeyay dhuumihii ay biyuhu mari jireen iyo wadadii xidhnayd waxaana wasiirku halka war bixin kaga dhagaystay Mayor ku xigeenka Degmada Sheikh Cabdi Cartan X. Abokor kaas oo warbixintiisa uu siinayey Wasiirka ku xusay in Dowga (jidka Buurta Sheekh) inta aanu roobabku Curanin (di’in) laga sii shaqayn jiray balse doorkan iyadoo aan howshaasi qabsoomin ay Roobabku bilowdeen taasina ay keentay waa sida uu hadalka u dhigay eh in ay jidka xidhaan dhadhaabta iyo dhoobada daadadka roobku buurta kaga soo rogaan waqtiyada roobabku helaan Buurta ay dhexmarto wadadu, gudoomiye k/xigeenka degmadu sheikh waxa uu ka codsaday Wasiirka in wasaaradu ka howl gasho dib usoo noolaynta nidaamkii Awal hore lagaga shaqayn jiray jidka Buurta loona joogtayn lahaa, waxanan ku talo jirna ayuu yidhi in maalmaha jimcaha oo kale sidii caadada ahayd in ay nagala hawlgalaan ardayda dugsiga sare ee sheikh wax ka barata wax tar badana way leedahay in iskla wax u qabso lagu shaqeeyo.
This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it
|
|