|
Khasaaraha ka Dhashay Dagaalloo Qadhaadh oo Hadheeyey Muqdisho
Muqdisho.10.March.2010-(HCTV)-Ugu yaraan 12 ruux ayaa ku geeriyoodey dagaallo qadhaadh oo saaka waaberigii ka bilowday xaafado ka tirsan waqooyiga Muqdisho, kuwaasoo u dhexeeyay xoogaga Al-shabaab ee gacanta ku haya inta badan koonfurta Soomaaliya iyo Ciidanka dawladda ku-meel-gaadhka ah. dagaalka oo laysu adeegsaday madaafiicda iyo noocyada kale ee hubka culculus, ayaa ka danbeeyey weerar ay kooxda Al-shabaab ku soo qaaday fadhiisimmo ku yaalla waqooyiga Muqdisho oo ay deganyihiin ciidanka dawladda, halkaana waxa ka dhashay iska hor imaad dhexmaray labada dhinac oo sababay dhimashada 12 ruux oo u badan dad dhacab ah iyo ku dhawaad labaataneeye ku dhaawacmay. dagaallada ayaa socday tan iyo duhurkii maanta oo ay marba marka ka danbaysay sii yaraanayay, inkastoo aan si rasmiya loo ogayn khasaaraha dhabta ah ee ka dhashay dagaalka dhacay. Dagaalka, ayaa wakhtiyadi hore waxa ku gacan-sareeyey kooxaha mucaaradka ee iyagu soo qaaday weerarka, kaddib markii aagagii ay ku jireen ciidamada Dowladda ka saareen, kuwaasi oo iyagu dib u gurasho sameeyay, balse muddo saacado ah ka dib ay uu suurtagashay inay dib ula wareegaan gacan ku haynta goobihii ay hore u deganaayeen. Ciddammada AMISOM, ayaa iyagu goor danbe soo galay dagaalka, iyagoo garab siinaya ciidanka dawladda ku meel-gaadhka ah, islamarkaana la arkayay gaadiidka gaashaaman. Maxamed Siciid HCTV
This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it
|